Maanta waxaa dil lagu xukumay nin kufsi u geystay gabar aad u da’ yar.

Maxkamad ayaa fulisay xukunka dilka ah.

Waxaana la sheegay in ninka dembigan geystay uu ahaa 32 jir laguna magacaabi jirey Maxamuud Cali Xaamud.

Maxkamadda ayaa la sheegay in ay horey u xukuntay ninkani iyadoo la soo gaaray xilligii la khisaasta lagu fulin lahaa.

Ninka ayaa isagu la sheegay in uu gabadha kufsaday kadibna uu dilay.

Goobta xukunka lagu fulinayay oo ay joogeen ehelka labada qoys iyo dad Shacab ah, ayaa waxaa ka hadlay maamulka Garbahaareey iyo Saraakiisha Ciidamada, kuwaasoo dhalinyarada uga digay iney ku dhaqaaqaan falalka kufsiga.

Shacab fara badan ayaa soo dhoweeyay xukunka lagu riday ninkan kufsiga geystay.

Horey waxaa muddooyinkii ugu dambeeyay Soomaaliya ka dhacay dhowr kufsi ah oo gabdhaha loo geysanayey kadibna la dilayey, iyadoo ay ugu xanuun badneyd kufsi iyo dil loo geystay Caasha Ilyaas oo 13 jir aheyd, gabadhaasi oo la kufsaday iyadoo aan qaangaar aheyn lana dilay.