Niman lagu soo eedeeyay in ay isku yeeleen codka madaxweynaha Qaranka Uhuru Kenyatta isla markaasina sidaa lacag ku dhacay ayaa la soo taagay maxkamad.

Dadkani ayaa waxa ay lacagta ka qiyaaneen agaasimaha maaliyadda shirkadda Sameer Africa mudane Akif Hamid Butt iyaga oo dhacay lacag 10 milyan ah.

Waxa ay codsadeen in la sii daayo.

Mr Joseph Waswa, Mr Duncan Muchai, Mr Issack Wanyonyi, Mr William Simiyu, Mr David Kikuyu, Mr Gilbert Kirunja iyo Mr Antony Wafula ayaa beeniyey eedaha loo heystay waxaana subaxnimadii Arbacada (ee saaka).

Nimankani isku yeelayey codka madaxweynaha ayaa la qabtay waxaana la horkeenay garsoore Francis Andayi waxaana lagu xukumay lacag dhan Sh100, 000 midkiiba.