Wasaaradda waxbarashada dalka ayaa hakisay mashruucii laabtoobyada ee la siinayey ardeyda fasallada koowaad, waxaana lagu bedelay in ardeyda loo sameyn doono sheybaaro ay ku xiran yihiin kombiyuutterro.

Xoghayaha joogtada wasaaradda waxbarashada Belio Kipsang ayaa sheegay in mid kasta oo ka mid ah iskuullo gaaraya ilaa 25,000 oo iskuul mid waliba lagu dhisi doono fasal kombiyuuteerrada ah.

Xildhibaannnada dalka oo arrintan wax ka weydiiyey xoghayaha wasaaradda waxbarashada ayaa waxaa Kibsang uu sharaxay in dhismaha fasallada kombiyuutterrada uu hore u ahaa mid la qorsheynayey in uu noqdo wejiga labaad ee ardeyda lagu siinayo kombiyuuterrada.

Mashruuca ardey waliba in uu helo hal laabtoop ayaa isagu ahaa feker uu soo bandhigay xisbiga Jubilee ee ku aadan waxbarashada dhanka kombiyuuteraadka ee ardeyda ee lagu horumarinayo tayada ardeyda dugsiyada hoose.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here