Damaanad lacageed oo dhan 1 milyan oo doolar ayaa lagu xukumay fanaanka caanka ah ee R’Kellly.

Maxkamadda Chicago ayaa Sabtidii sheegtay in fanaanku uu weerar galmada ah ku qaaday 4 qof oo 3 ka mid ah ay yihiin dhallinyaro aan qaangaar aheyn.

Fanaankan oo ah mid heysta abaalmarinta fanka ee ‘The Grammy’ ayaa waxa uu caan ku yahay heesaha loo yaqaan R&B waxaana uu wajahay dacwado la xiriira haween la faraxumeeyay iyo gabdho dhibaato dhanka galmada ah loo geystay.

Garsooraha maxkamadda oo lagu magacaabo John Lyke ayaa intii dhageysiga dacwadeed uu socday sheegay in uu dhageystay warbixin aad u fool xun oo ka sheekaynaysay sida fanaanku ugu kacay ficillo anshax xumo ah oo uu haweenka dhibaneyaasha ah u geystay.

Looyerkii u doodayey ayaa sheegay in R.Kelly uu yahay nin aan waxba galabsan.

52 jirkani oo magaciisa runta ah uu yahay Robert Kelly, ayaa 10 dacwadood laga soo gudbiyey Jimcihii tegay, arrintani ayaa dhacday kadib markii Lifetime television network uu hawada geliyay barnaamij dokumentari ah oo soconayey 6 saacadood kaasi oo lagu soo qaatay barnaamij cinwaankiisu yahay “Surviving R. Kelly” kaasi oo ka qisoonayey sida uu fanaanku ugu dheelay nolosha haween kala duwan kuwaasi oo ku eedeeyay in uu si fool xun u kufsaday fanaanku.

Kelly, ayaa caan ku ah heestiisa “I Believe I Can Fly,” waxaa fanaankani uu eedeeymaha galmada iyo gaboodfalka isugu jira beenaynayey muddo 4 sano ah.

Sanadii 1994-kii, waxa uu guursaday fanaanad da’ yar oo 15-sano jir aheyd oo lagu magacaabi jirey Aaliyah.

Guurka gabadhaasi ayaa bilooyin kadib la mamnuucay sababo la xiriira da’da Aaliyah oo aad u yareyd, muddo kadib Aaliyah waxa ay ku dhimatay shil diyaaradeed waxaana ay ku beegnayd 2001-dii.

Telefishinka Lifetime ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin in ay soo bandhigaan dhegaysiga tebashooyinka dadka dhibaneyaasha ah ee fanaanku faraxumeeyay.

Facebook Comments