Carruurta da’doodu tahay 5 sano jir iyo wixii ka hooseeya ayaa weyn kara tallaalka loo qorsheeyay sababo la xiriira shaqo ka fariisiga kalkaaliyayaasha caafimaadka oo weli soconaya.

Laanta Tirakoobka Qaran ee Kenya ayaa warbixinteeda Sahanka dhaqaale ku muujisay in uu hoos u dhacay qadarta tallaalka.

Xoghayaha maamulka wasaaradda caafimaadka Rashid Aman ayaa sheegay in ay jiraan hab bulshada lagu siiyo tallaalka maalin waliba. Waxaana uu ku baaqay in la xoojiyo qeybinta tallaalka loo baahan yahay.

Tallaal bixibnta ayaa uu sheegay in ay ka hortagto cudurro badan kuwaasi oo boqolkiiba 70 hoos loo dhigay tan iyo sanadkii 2000, sida uu sheegay xoghahaya wasaaradda caafimaadka.