Wararka inaga soo gaaraya gobolka Shabeellada hoose waxa ay sheegayaan in kooxaha Al-Shabaab in ay saaka oo Jimco ah weerar madaafiic ah ay ku qaadeen Garoonkii Balli-doogle.

Ballidoogle ayaa ah saldhigga ugu weyn ee ciidamada Mareykanka ku leeyihiin Soomaaliya.

Al-Shabaab ayaa sheegay in saldhigga Balli-doogle ay ka kacaan diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Mareykan ee xasuuqa ka geysta koofurta iyo bartamaha Soomaaliya, sida ay sheegtay

Lama sheegin faah faahin intaas ka badan, inkastoo saldhigga Balli-doogle uu labo qeyb u qeybsan yahay hadana lama oga madaafiicda halka ay ku dhaceen.

Saldhigga Balli-doogle ayaa qeybna waxaa lagu tababaraa Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya, qeybna waxaa saldhig ku leh Ciidamada Mareykanka, waxaa saldhiggaas ka kaca diyaaradaha qumaatiga iyo kuwa aan duuliyaha laheyn ee Drones-ka.