OCS Nahashon Mutua

Waxaa lagu helay in uu galay dembi la xiriira in uu dilay qof maxbuus ahaa sanadkii 2013.

Garsooraha maxkamadda sare ee dalka Judge Stella Mutuku ayaa Khamiista manta ah sheegtay in dacwad soo oogista ay soo gudbisay cadeymo buuxa oo ku saabsan dembiga u galay Mutua.

Garsooraha ayaa sheegtay ninka maxbuuska ah uu wajahay arxan darro dhanka bani’aadanimada ah sidaa awgeedna geerida maxbuuska uu sababay ex- OCS Mutua.

Xukunka maxkamadda sare oo ay riday garsoore Stella Mutuku bishii diseembar ee sanadii hor, ayaa xukunku waxa uu dhigayaa in askari hore Nahashon Mutua lagu helay dembi ah in uu dil u geystay Martin Koome Imanyara, oo ahaa maxbuus lagu soo xiray saldhigga booliska ee Ruaraka.

Maxkamadda ayaa sheegtay in uu Mutua doonayey in uu kiiska dilka ah u saariyo ama ku nabo nin kale oo maxbuus ahaa, balse cadeymo ay muujinayaan in uu isaga dilka ka dambeeyay.

Koome oo ah maxbuuska la dilay ayaa ahaan jirey nin ka shaqeysan jirey degmada Babadogo isagoo iibin jirey Qaadka.