Shir socon doona muddo 4 maalmood ah ayaa Muqdisho uga furmay uga furmay taliyeyaasha Ciidanka AMISOM.

Taliyeyaasha ayaa ka shiraya qaabeynta istraatiijiyadda ay ciidammada AMISOM ku hagi doonaan ciidammada AMISOM.

Simon Mulongo oo ah taliye ku xigeenka ciidammada AMISOM ayaa sheegay in Qorshaha cusub diiradda lagu saari doono fulinta Howgaladda, Waqtiga la fulinayo iyo Taageerada saanadeed ee ay u baahanyihiin.

“Waxaan u baahanahay in isku qaabeeyno waxa yar ee aan heysano iyo fulinta howlgalada si AMISOM aan uga caawino gudashadda Amni sugiddda Soomaaliya” ayuu Molongo ku sheegay qudbad uu ka jeediyay Furitaankii shirka.

Howlgalka Cusub ee Shirkan lagu faaqidi doono waa midka hagaya dhamaan dhaq-dhaqaaqyadda Howlgalka ilaa iyo inta laga gaarayo 2021ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here