Waalidiinta Carolyne Mwatha oo dalbanaya in loo sii daayo gabadhooda..

Ninka qaba haweenay muddo la weysan yahay ayaa sheegay in uu naftiisa u cabsanayo.

Waxaa uu ninkani sheegay in uu baqdin ku sugan yahay kadib markii la afduubtay haweentii uu qabey.

Haweenta uu ninkani qabo ee la afduubtay ayaa iyadu u ololeyn jirtey joojinta dilalka sharciga ka baxsan ee loo yaqaan Extra-judicial killings. Waxaana haweentaasi lagu magacaabay Carolyne Mwatha.

Joshua Ochieng’ oo ah seyga u dhaxa Mwatha ayaa sheegaya in uu isaga laftiisa cabsanayo..

Haweenta ayaa la weysan yahay tan iyo todobaadkii hore maalinimadii Khamiista.

Ninkeeda oo lagu magacaabo Joshua Ochieng’, ayaa isagu ah nin ganacsade ah oo alaabta ka soo dejiya magaalada Dubai.

Maalinimada maanta ayaa lagu wadaa in la qabto dibad bax lagu codsanayo in baartiaanno deg deg ah lagu sameeyo isla markaasina cadaaladda lala tiigsado arrinta ku saabsan afduubashada Carolyne Mwatha oo aheyd qof u ololeeya ka hortagga dilalka sharciga ka baxsan.

Sidoo kale Carolyne Mwatha ayaa aheyd aasaasaha hey’ad lagu magacaabo Xarunta Cadaaladda ee bulshada Dandora, ururkaasi oo ah urur u dooda isla markaasina diiwaangeliya kiisaska dilalka sharciga ka baxsan ee ay geystaan iyo jirdilka ay geystaan ciidammada boolisku.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here