Smail Chergui, hogaanka amniga iyo nabadgelyada ee Midowga Afrika.

Midowga Afrika ayaa digniin ka soo saaray in ay gobolka Saaxilka ay ku sii badanayaan kooxaha dembiyada abaabulan ee argagixisada loo yaqaan.

Smail Chergui oo mas’uul sare oo qaabilsan amniga iyo nabadda ayaa ka codsaday maamulka Midowga Afrika in ay la tacaalaan isla markaasina ay xididada u siibaan xagjirnimada ku sii fideysa qaaradda Afrika.

“Argagixisadu waa ay sii fideysaa” ayaa uu Mr Chergui sheegay xilli uu ka hadlayey war-saxaafadeed lagu qabtay kulankii Midowga Afrika ee Addis Ababa.

Waxa uu sheegay in ay jiraan dhaqdhaqaaqyo badan oo xagjirnimada ku shaqeysta isla markaasina weerara dadka rayidka ah.

Waxa uu tusaale ahaan u soo qaatay wadanka Burkina Faso oo uu sheegay in maalin walba dad rayid ah lagu weeraro dalkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here