African Union ama Midowga Afrika ayaa ku booriyey dadka bahwadaagga la ah Soomaaliya in ay dhaqan geliyaan mashaariicda dhanka biyo gelinta iyo dhinacyada nadaafadda oo deg deg ah.

AU ayaa sheegtay in loo baahan yahay mashaariic biyo saafi ah iyo nadaafad laga dhaqan geliyo wadanka ay dagaalladu ragaadiyeen ee Soomaaliya.

Sidaasi waxaa soo jeediyey Isku xiraha Nabadda iyo Amniga ee AU -da Smail Chergui maalinimadii Isniinta.

Sarkaalka ayaa ka hadlayey war-saxaafadeedkii kalfadhiga 32-aad ee hogaamiyeyaasha caalamka iyo kuwa Midowga Afrika ugu qabsoomay magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya.

“Waxaanu dooneynaa in aynu gaarno qalbiyada shacabka rayidka ah ee Soomaaliya, waana tan keentay in AMISOM ay hirgelinayso mashaariicda dhanka biyaha iyo nadaafadda. Waxaa naga go’an in aynu sii wadno magangelinta walaalaheen Soomaaliyeed,” sidaasi waxaa warbaahinta u sheegay mudane Chergui.

Hogaamiyeyaasha caalamka ayaa shir uga furmay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya maalinimadii Axada. Midowga Afrika ayaa ka kooban 50 wadan oo xubno ka ah waxaana ururka ujeedadiisu tahay sare u qaadista midnimada iyo wadajirka Qaaradda Afrika.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here