Agaasimaha Dembi baarista dalka George Kinoti ayaa tixgelinaya dacwado loo heysto saraakiisha dhanka kormeerka qaabilsan iyo waaxyaha dhanka warbixinnada lacagta ee bankiga dhex ee dalka, waxaa kale oo lagu daba jiraa saraakiisha kormeerka Mpesada ee shirkadda Safaricom.

Waxaa laamahani ay ku soo biireen dacwad adag oo la xiriirta in ay kala gooshiyeen lacago badan oo sii maray dhanka xawaaladaha shirkadaha kor ku xusan.

Baarayaasha ayaa sheegaya in ay doonayaan in ay ogaadaan halka la soo mariyey 9 milyan oo shillin oo dibadaha laga soo diray lacagtaasi oo loo adeegsaday in lagu maalgeliyo weerarkii cuslaa ee ka dhacay dhismaha Dusit ee bartamaha Nairobi.

Shirkadaha kale ee la baarayo saraakiishooda waxaa ka mid ah Bankiga Standard Chartered Bank, Kenya Commercial Bank, Equity Bank, Diamond Trust Bank iyo Cooperative Bank of Kenya.

Saraakiisha ayaa tuhun ka qaba in lacagta lagu soo diray aaladda Mpeesada.

Cutubyada Booliska ka hortaga argagixisada ee loo yaqaan ‘Anti-Terror Police Unit’ ayaa haatan diiradda saaraya Bankiga Dhexe ee dalka, Xarunta ka Soo warbixinta Maaliyadaha dalka ee loo yaqaan Financial Reporting Center, iyo bankiga lagu magacaabo Diamond Trust Bank iyo shirkadda Safaricom waxaana ATPU ay sheegaysaa in dhammaan shirkadahani lagu daba jiro in ay kala gooshiyeen xisaabaad lacageed oo dalka la soo geliyey taasi oo sababtay in la weeraro dhismaha Dusit bishii Janaayo 15-keedii ayna ku dhinteen 21 qof.

Bob Collymore, oo ah agaasimaha Safaricom ayaa sheegay in aysan fileynin in ay iyagu dembiga leeyihiin waxaana uu sheegay in macaamiisha shirkadaasi ay si caadi ah u adeegsadaan isku gudbinta lacagaha aysanna iyagu ogeyn wax kala gooshin ah oo arrintani ku saabsan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here