Ardeyda iyo macallimiinta Dugsiga hoose dhexe ee Kaminji Primary School ee kowntiga Kirinyaga ayaa la yaab iyo amakaag la soo gudboonaaday,

Ardeyda ayaa ka warhelay in la burburiyey fasalladii ay casharada ku qaadan lahaayeen, isla markaasina la sumeeyay haamaha biyaha ee iskuulku isticmaali jirey.

Ardeyda ayaa soo sheegay in biyaha iskuulka ay ka soo baxeyso urta kiimiko la sheegay in lagu sumeeyay biyaha.

Waxaa ay sheegeen in iskuulka ay soo weerareen dad aan la garaneynin, habeenimadii Isniinta.

Macallimiinta ayaa aad uga cabsaday in ay u soo gudbaan iskuulka.

Maamulaha iskuulkaasi Mr Henry Gitura ayaa sheegay in dadka laga shakisan yahay ay doonayaan in irdaha la isugu dhufto iskuulkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here