Isbitaalka Nairobi ayaa iska fogeeyay in ay qaliinkii ay sameeyeen darteed u dhimatay haweenay la seexiyey isbitaalkaasi.

Haweenayda ayaa dooneysay in ay qaarka hore ee jirkeeda qurxisato, taasi oo keentay in uu xumaado qaliinkii lagu sameyn lahaa isla markaasina ay u geeriyooto qaliinkaasi oo halis ku noqday.

Isbtiaalka Nairobi ayaa iska fogeeyay eedeeymo loo jeediyey oo ku saabsan qaliinkaasi dhanka naasaha ku saabsan.

Ms June Wanza ayaa u geeriyootay xanuun aad u daran oo soo wajahay kadib markii ay isku dayday in ay qaliin qurxinta ah ku sameyso naasaheeda taasi oo qalad dhanka qaliinka ah oo dhacay darteed uu keenay in ay marxalad adag gasho.

3 dhaqtar, oo lagu kala magacaabo Prof Stanley Khainga, Dr Martin Ajujo iyo Dr Evans Cherono oo qaabilsan dhanka qaliinnada balaastigga ah ayaa loo kaxeeyay dhanka maxkamadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here