ilhan Cumar, siyaasiyadda Soomaalida Mareykanka ah

Siyaasiyadda Soomaali-Mareykanka ah ee Ilhan Omar ayaa si aan caadi aheyn raalli gelin uga bixisay hadallo dhanka aaladda twitter-ka lagu qoray.

Ilhaan ayaa raalli gelinta bixisay Isniintii waxaana ay arrintani ay timid kadib markii twitter-ka lagu eeedeeyay urur u ololeeya Israa’iil.

Waxaa la sheegay in markii Ilhaan ay cambaareysay ururkaasi ay dhibaato muujiyeen xildhibaannada xisbiyada Jamhuuriga iyo kan Dimuqraadiga ee dalka Mareykanka.

“Takooridda Semitigga waa mid jira, abaal ayaana uga hayaa bahda Yuhuudda iyo iyo asxaabteyda in ay i barayaan taariikhda xanuunka leh ee sidii loo takoori jirey bulshada Semitigga,” ayey Ilhaan ku tiri twitter-ka.

Intaa kadib xildhibaannada ayaa badankood ka caroodeen ereyga “Anti-Semitic tropes’ ereygaan oo macnihiisu yahay “Midab-takoorkii” lagu heyn jirey dadka asalkoodu yahay Semitigga.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here