Xildhibaanka laga soo doorto Bariga Wajeer Rashid Kassim ayaa caro kala dul dhacay ururka imtixaanaadka dalka ee magaciisa loo soo gaabiyo KNEC.

Xildhibaanka ayaa sheegay in Knec ay waxba kama jiraan ka soo qaaday natiijooyinkii qaar ka mid ah ardeyda gobolkaasi.

Waxa uu xildhibaanku sheegay in hey’ada imtixaanaadka Knec ay noqotay mid burburisa natiijooyinka imtixaan ee ay keensadaan carruurta gobolka Waqooyi Bari.

Xildhibaanka ayaa isagu isha ku hayey ‘Natiijooyinkii imtixaan ee KCSE ee dhowaan la shaaciyey.

Xildhibaan Rashid Kassim ayaa isweydiiyey sida ay ardeydu khis u sameyn karaan iyagoo ciidamo booliska ah ay soo buuxdhaafiyeen fasalladii imtixaanka lagu qaadayey.

Tani ayaa imaaneysa xilli uu gudoomiyaha ururka imtixaanada ee Knec uu sheegay in la mamnuucay natiijada ilaa 1,205 ardey oo kuwaasi oo badankood ka soo jeeday gobolka Waqooyi Bari ee dalka.

Xildhibaanka ayaa hadalkan jeediyey xilli uu ka hadlayey munaasabad ay isugu yimaadeen waalidiinta ardeyda W/Bari Kenya.

HALKA HOOSE KA DHAGEYSO CODKA WAALIDIINTA:

,

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here