Hal ruux ayaa la dilay kadib markii burcad laga shaki qabo ay u dhaceen labo tuulo oo ku yaal xaduudka ay la wadaagaan kowntiyada West Pokot iyo Turkana.

Jiifka degaanka Ompolion Jiif Joseph Korkimul ayaa sheegay in dad burcad ah oo aan la garameynin ay soo weerareen degaanka iyo tuulooyinka Ompolion iyo Takaiwa halkaasi oo ay duqeymo ku bilaabeen isla markaasina ay kaxeysteen xoolihii tuulooyinkaas joogey.

Waxaa la sheegay in ay burcaddu xoolaha la sii aadeen dhankaa iyo Turkaana.

Waxa la sheegay in ay halkaasi ka wateen wiil yar oo la sheegay in uu xoolaha la joogey.
Booliska duurjoogta ayaa rasaas weydaarsaday burcadda waxaana la sheegay in looga adkaaday dagaalkaasi.

Carqaladda ayaa haadan joogsatay walow dadka degaanku ka cabsi qabaan in burcaddu mar kale weerar rogaal celis ah soo qaado.

Jiifka degaanka ayaa sidoo kale sheegay in burcaddu ay wiilka yar afduubteen muddo yar kadibna ay ku dileen halka loo yaqaan Nakwomoru halkaasi oo ay medkiisa uga tageen.

jiifka ayaa sheegay in burcaddu ay dhaceen ilaa 500 oo neef oo ari ah, waxaana xoolaha lahaa ilaa 7 qof oo ka tirsan tuulada Kaptir ee ku taal kowntiga Turkana.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here