Okoth Obado, gaavanaha Migori

Wasiirka warfaafinta dalka Joe Mucheru ayaa magacaabay Jared Peter Odoyo Kwaga — ninkani oo ka mid ah dad looga shakisan yahay in ay qeyb ka ahaayeen fadeexad lagu lunsaday 2 bilyan oo shillin isla markaasina loo heystay gaavnaaha Migori Okoth Obado.

Bisha Febraayo 8-deedii ayaa wasiirka warfaafinta Mucheru waxa uu Mr Kwaga ku soo daray 7 mas’uul oo la soo magacaabayey, kuwaasi oo xilka dowladeed sii heyn doona ilaa bisha Febraayo sanadkii 2022-da.

Ninkan ayaa hogaamin doona machadka dowladeed ee KIMC kaasi oo ah machad dowli ah oo loogu talo galay in uu tababarro siiyo shaqaalaha dowladda ee dhinacyada isgaarsiinta iyo dhinacyada injineeriyada soo saarista aflaanta, raadiyaha, iyo telefishinka iyo baahinta warfaafinta.

Afhayeenka EACC Yasin Amaro ayaa sheegay in magacaabista ay tahay mid dusha kala socosho ah aysanna macquul aheyn in jago buuxda loo magacaabo qof ku eedeeysan xatooyo oo weliba baaritaanno ay ku socdaan.

Waxa uu sheegay in cutubka 6-aad ee dastuurka dalku uu qabo in aan la shaqaaleyn karin qof baaritaanno ku socdaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here