Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa amray in wadahadal lagu xaliyo colaada dhanka dhulka ee u dhexeeya maamulka kowntiga Kajiado iyo shirkadda kiimikada Tata Chemicals Magadi Ltd.

Maamulka degaanka iyo shirkadda aya isku heysta dhul qiimihiisu dhan yahay 17 bilyan.

Ilo wareed ayaa sheegaya in madxweynuhu u xilsaaray xubno ka mid ah golaha wasiirada in ay murankaasi xal ka gaaraan.

Kulanka wasiirada ay arrintani go’aan uga qaadan doonaan ayaa la filayaa in uu dhaco maalinimada Talaadada.
Saraakiisha sare ee muranka dhulka xalineysa ayaa waxa ay ka kala imaan doonaan wasaaradaha arrimaha gudaha, maaliyadda iyo wasaaradda qodista macdanta.

Muranka Kajiado oo sii xoogeeysanaya ayaa u dhexeeya bulshada Masaai-da iyo shirkad heer caalami ah oo kiimikada ka soo saarta harooyin iyo dhul macdani ku jirto oo ku yaal degaankaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here