Gaavanaha Marsabit Muhamud Ali iyo xildhibaanka laga soo doorto degaanka Moyale Qalicha Wario ayaa weydiistay dowladda dhexe in ay ka soo jawaabto kownto xumida ka jirta magaalada Mooyaale.

Waxa ay sheegeen in dhibaatada koronto la’aanta ka jirta Mooyaale ay muddo sanad ah saameysay ganacsiga degaankaasi.

Waxa ay ku eedeeyeen shirkadda Xoogga korontada Kenya Power (KP) iyo waaxda korontada in ay ku guuldareysteen in ay matooro cusub keenaan degaanka oo ay koronto siiyaan dadweyne dhan 70,000 oo qof.

Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa horey ugu balanqaaday bulshada Marsabit in korontadaasi la siin doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here