Guddiga madaxa banaan ee Doorahsooyinka iyo Xuduudaha ee IEBC ayaa ku baaqay in isbedello waaweyn lagu sameeyo qaabka codbixinta doorashooyinka sanada 2022.

Warbixin ayaa la rajeynayaa in maalinta Talaadada ah laga soo saaro qiimeynta doorashooyinkii dhacay sanadkii 2017 ka dhacay dalka.

Guddiga ayaa rajeynaya in uu bixiyo warbixin si kala dhig dhigan u sharixi doonta waxa qaldamay doorashadaasi iyo sababta ay maxkamadda sare ee dalka ugu guuldareysatay xalinta arrintaasi iyo fekradaheeda ku aadan doorashooyinkaasi.

IEBC ayaa dooneysa in doorashooyinka madaxweynanimo iyo kuwa baarlamaaniga ah hal waqti la wada qabto oo aysan kala horeynin, halka doorashada gaavanarrada iyo wakiilladana dib loogu dhigayo in la qabto taariikh kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here