Gaavana Sonko ayaa 300,000 u balanqaaday cidii keenta war ku saabsan gabadha muddada badan la weysanaa ee Caroline Mwatha.

Caroline ayaa aheyd qof u dhaqdhaqaaqda arrimaha bani’aadanimada.

Gaavana Soonko ayaa Isniintii ku booriyey shacabka in cidii aragta warvkeda ay la soo xiriiri karaan saldhiga boolis ee ugu dhow iyaga oo facanta ku wada cadeymaha isla markaasina loo sii gudbin doono waaxda sirdoonka dalka.

Mwatha, waxaa ay sidoo kale aheyd sarkaal sare oo ka tirsan laanta arrimaha bulshada ee degaanka Dandora , waxaana la waayey maalinimadii Arbacada.

Waxa markii ugu dambeysay maxkamadda ka diiwaangelinaysay dembiyo ay indhaheeda ku arkagtay, kuwaasi oo isugu jira dembiyo dilal aan sharci la marsiineyn iyo kuwo ku saabsan dad 6 ah lagu dilay dadkaasi oo dhammaantood la waayey, sanadii hore bishii Oktoobar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here