Dagaal culus ayaa la soo sheegayaa in uu ka dhacay degmada Janaale ee ismaamulka Jubaland.

Waxaa la soo sheegayaa in ay dagaalkaasi ka qeybgaleen ciidamo Mareykan ah kuwaasi oo si fool ka fool ah dagaal ula galay kooxaha Al-Shabaab ee degaankaasi.

Wallow aan si dhab ah loo ogeyn Khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkaasi Ciidamada Huwanta ku dhexmaray Degmada Janaale ee Gobolka Shabellaha hoose, ayaa haddana Saraakiil ka tirsan Dowladda waxa ay sheegeen Shabaab in khasaare lagu gaarsiiyay weerarka.

Intii dagaalka uu socday, ayaa waxaa bar bar socday duqeymo diyaaradeed laga fulinayey gudaha Degmada Janaale, duqeyntaasi oo meelo kala duwan oo magaalada ka mid ah ku dhacday.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here