Arrin weyn ayaa ay u noqotay in ardeyda gaari waayey darajada jaamacadeed in dowladdu u balanqaaday in ay waxbarashada macaahida iyo kolejiska ku dhigan doonaan lacag la’aan ama ay dowladdu ka bixin doonto.

Tillaabadan ayaa loogu talo galay ardeyda iskuulada ka soo helay darajooyinka D iyo E isla markaasina doonaya in ay ku biiraan macaahidda dowladda, dowladda dalka ayaa qeyb ahaan bixin doonta lacagta waxbarashadooda ku bixi doonta, si la mid ah sida ardeyda kale ee ku biirta jaamacadaha lacagta looga bixiyo.

Wasaaradda waxbarashada dalka ayaa ku qiyaastay in ilaa 20 bilyan ay ku kici doonto sidii ardeyda ay ugu sinaan lahaayeen fursadaha ay wasaaraddu bixiso.

Barnaamijka waxbarashada ee machadyada sare ee dowladda ayaa loo yaqaan barnaamijka TVET,

Kharashka wasaaraddu ugu talo gashay halkii qof ayaa lagu qiyaasayaa ilaa 30,000 taasi oo la sheegay in ay noqoneyso kala bar lacagta ardeyga laga bixinayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here