Xildhibaanad Tanzaaniyaan ah ayaa ku baaqday in la baaro in ay nimanka Baarlamaanka gudan yihiin iyo in kale.

Tillaabadan ayaa ay sheegtay haweenayda xildhibaanka ahi in ay tahay mid wadanka looga difaacayo cudurrada iyo isqaadsiinta cudurka HIV ee dhaliya cudurka AIDS.

Jackline Ngonyani ayaa sheegtay in xildhibaankii lagu helo in uusan gudneyn looga baahnaan doono ion uu baaris maro.

Waxa ay soo jeedisay su’aal lagu kala qeybsamay taasi oo isweydiin badani ay ka dhalatay.

Virus-ka HIV ayaa loo arkaa in uu haya mid dhibaato weyn ku ah bulshada dalka Tanzania. waxaana ilaa haatan la guday boqolkiiba 70 dhallinyarada dalkaasi Tanzaaniya.

Cel celiskii 5 boqolkiiba dadka qaangaarka ah ayaa la aaminsan yahay in ay qabaan virus-ka HIV – tani oo Tanzaaniya ka dhigeysa dalka 13-aad ee ugu sareeya caabuqa HIV dunida oo dhan, warbixin sanadeedkii 2016.

Hey’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa sheegaysa in gudniinku uu hoos u dhigo khatarta isku tagga ee cudurradu ka dhashaan, waxaana khatartu hoos u dhacdaa ilaa 60%.

Wadammo kala gedisan oo Afrika ah ayaa dagaal ba’an kula jira cudurka AIDS-ka waxaana ay qaadeen ololeyaal badan oo ku dhiirigelinaya ragga in ay maraan hanaankani gudniinka ah kaasi oo uu ku jiro qaab qaliin fudud ah oo loo yaqaan “gudniinka ragga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here