Dad fara badan oo si wada jir ah u socda ayaa gaaray xuduuda Mexico ay la wadaagto Mareyaknka.

Mareykanka ayaa xaqiijiyey in ilaa 1,600 oo muhaajiriinta ah aysan wadanin viisaha bani’aadanimada ee lagu galo Mexico, kuwaasi oo u muuqday in xitaa Mexico ay sharci darro ku galeen.

Waxaa ay xeynta muhaajiriinta ah haatan ku xayiran yihiin xuduudka Mexico uu la wadaago Mareykanka halka lagu magacaabo Piedras Negras, oo kaabiga ku heysa gobolka Texas ee Mareykanka.

Dadkani ayaa dhibaatooyin kala kulmay booliska iyagoo ku qeylo dhaaminaya in loo fasaxo in ay Mareykanka galaan.

Hase yeeshee saraakiisha ayaa halkaasi uga dhisay meel gabaad ah waxaana laga codsaday in ay dadkaasi ku laabtaan meelihii ay ka yimaadeen, horintan muhaajiriinta ayaa waxaa ay badankood ka soo jeedaan wadanka Honduras.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here