Magaalada Nairobi ayaa loo xushay in ay qaabisho mid ka mid ah shirarka waaweyn ee hey’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR.

Arrintan ayaa daba socota kadib markii kulan uu dhex maray wasiirka arrimaha dibadda ee dalkani Kenya Monica Juma iyo madaxa hey’adda UNCR Filipino Grandi.

Kulanka labada mas’uul ayaa ka dhacay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Wasiirad Juma ayaa sidoo kale wadahadallo labo geesood ah la yeelatay kaaliyaha Xoghayaha Qaramada Midoobey u qaabilsan Afrika Bintou Keita waxaana ay ka wada doodeen adkeynta howlgallada qaaradda Afrika iyo tayeynta howlaha hey’adda.

Waxa ay sidoo kale isku soo qaadeen arrimaha xaaladda amni ee gobollada iyo sidii loo xaqiijin lahaa marxaladaha nabadilaalinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here