Odayaasha Gaarisa ayaa ku amaanay Axmed Madoobe iyo ciidammada AMISO sida ay ugu guuleysteen sugidda amniga xuduudka Kenya iyo Soomaaliya.

Xilli uu ismaamul goboleedka Soomaaliya ee Jubaland uu isku diyaarinayo doorashooyin guud oo la rajeynayo in ay dhacaan bisha Agoosto ee sanadkan ayaa odayaasha, waxgaradka, cuqaasha, salaadiinta iyo indheergaratada degaannada gobolka Waqooyi Bari gaar ahaan magaalada Gaarisa waxa ay doorbideen dib u soo doorashada madaxweynaha Jubaland Axmed Islaan ‘Axmed Madoobe’.

Hogaamiyeyaasha degaanka ayaa sheegay in Axmed uu adkeeyay isla markaasina uu ku dadaalay adkeynta amaanka xuduudaha ay wadaagaan labada gobol ee W/Bari Kenya iyo Ismaamulka Jubaland.

Cuqaasha iyo odayaasha ayaa ka socday qeybaha kala duwan ee beelaha dega gobolka waxaana ay maalinimadii Jimcaha isku raaceen in Axmed Madoobe uu yahay mid si weyn ugu qalma in dib loo soo doorto.

Odayaasha waxa ay sidoo kale amaaneen dadaalka madaxweyne Axmed Madoobe ka qaatay iyo ciidammada AMISOM ay ku xoreynayaan gobolka jubada hoose, si loo ciribtiro kooxaha dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Odayaasha waxaa hogaaminayey Osman Ibrahim Abdi, Dekow Muhumed Duale iyo Ahmed Duale Koriyow.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here