Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa ka hadlay sida loogu baahan yahay in dalka Kenya in uu yeesho loona soo celiyo kaalintii mucaaradka rasmiga ah ee golaha baarlamaanka dalka.

Ruto ayaa booqasho rasmi ah ku jooga wadanka boqortooyada Ingiriiska waxaana uu khudbad taabaneysa dhinacyo badan ka jeediyey aqalka Chatam House ee magaalada London.

Waxa uu sheegay in nidaamka haatan wax loo dejiyey ee Kenya uu caqabad ku yahay la xisaabtanka waaxyaha sare ee dowladnimada dalka, madaxweyne ku xigeenka dalka ayaa tilmaamay in aan la aqbali karin dimuqraadiyad aan madax laheyn, oo cuuryaan ah.

William Ruto ayaa soo jeediyey in la sameeyo lana aqoonsado mucaarad rasmi ah oo door muhiim ah ka ciyaara baarlamaanka dalka.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa tilmaamay in tartanka hogaaminta Kenya uu noqdo mid ku saleysan fekrado isweydaarsi, geedisocod isla xisaabtan iyo karti u lahaansho in la sameeyo isbedel.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here