Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed

Wararka inaga soo gaaraya xarunta madaxtooyada Villa somalia waxa ay sheegayaan in taliyaha waaxda Canshuuraha Ciidanka Booliska Gen Cabdullaahi Xasan Bariise ayaa sheegay in la soo qabtay Ciidamo Booliska ka mid ah oo dad shacab ah siyaabo kale duwan ugu dilay magaaladda, isla markaana loo gudbiyay maxkamadda Ciidamada qalabka sida.

Wuxuu sheegay qaar ciidanka ka tirsan oo dil gaystay inay baxsadeen, balse Booliska ay ku daba jiraan sidii loo soo qaban lahaa.

Ugu dambeyntii Taliyaha ayaa digniin u diray askarta caadeysatay dareeska Ciidanka Booliska inay ku dhibaateeyaan dadka shacabka ah.

Hadalka Taliyaha Waaxda Canshuuraha Ciidanka Booliska Gen Cabdullaahi Xasan Bariise ayaa kusoo aadaya xili maalmihii dambe Magaaladda Muqdisho ay ka dhaceyn dilal bareer ah oo loo geystay dad shacab ah, waxaana fuliyay askar ka Tirsan Ciidamadda Dowladda Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here