Wararka inaga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee ismaamulka Galmudug waxa ay sheegayaan in dhallinyaro soo jeeda Waqooyiga magaalada Gaalkacyo dhinaca Puntland in lagu afduubtay dhanka Koonfurta ee uu ay maamusho Galmudug.\

Xiisad ayaa la sheegay in ay arrintaasi ka dhalatay.

Raggan la afduubtay ayaa la sheegay in loo qabsaday sababo la xiriira si loo soo daayo rab kale oo afduubteyaasha uga xiran xabsi ku yaalla Garoowe.

Ilaa iyo hada Ma jirto Cid Ka hadashay oo Ka tirsan Labada Maamul ee Galmudug Iyo Puntland.

Arintan ayaa waxaa ay ku soo Beegmaysaa Xili uu Magaalada Gaalkacyo ku sugan yahay Madaxwaynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here