Maxkamad ayaa sii deysay labo qof oo ajnabi ah kuwaasi oo laga shaki qabey in ay xiriir la lahaayeen dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Saraakiisha laanta la dagaalanka argagixisada dalka ayaa xabsiga dhigay hal qof oo u dhashay wadanka Itoobiya iyo qof u dhashay wadanka New Zealand waxaana dadkan laga soo qabtay xerada Xagar dheera ee ka tirsan Dhadhaab kowntiga Garissa. Sulub Warfa ayaa ka yimid dalka New Zealand balse ah qof ka soo jeeda wadanka Soomaaliya, halka Sakawedin Abdullahi uu ka soo jeedo dalka Itoobiya.

Dadkani ayaa la hayey muddo kadib markii saraakiishu codsadeen in ay dadkani soo gudbiyaan waraaqahooda safarka.

Saraakiisha ayaa tuhun ka qaaday kadib markii Warfaa uu magaciisa saxda ah u bedeshay Ramadhan Yusuf.

Dacwad soo oogeyaasha ayaa sheegay in baasaboorada raggani ay ahaayen kuwo sax ah isla markaasina ay dalka ku joogeen si sharci ah.

Garsoore Cosmas Maundu ayaa maalinimadii Jimcaha sheegay in aysan jirin wax kiis ah oo raggani loo heysto. Sidaa awgeed ayaana si shuruud la’aan ah raggani loo sii daayey.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here