Henry Rotich, wasiirka maaliyadda Kenya

Wasaaradda maaliyadda dowladda dhexe ayaa ka hortimid heshiis ku kacayay 443 milyan oo shillin taasi oo la saxiixay sanadii hore waxaana heshiiskaasi kala saxiixday dowladda kowntiga Isiolo iyo hey’ad gaar loo leeyahay oo ka shaqeysa arrimaha caafimaadka bulshada, waxaana ay wasaaradda maaliyaddu ku dooday in ay tani ka horimaaneyso sharciga u degsan dalka.

Heshiiska oo dhex maray maamulka gaavana Maxamed Kuti iyo heyadda Living Goods Limited ayaa ujeedadiisu aheyd sidii loo qalabeyn lahaa loona tababari lahaa shaqaalaha hey’adaasi ee ka shaqeynaya kownti hoosaadyada Isiolo, Merti iyo Garbatulla.

Heshiiska ayaa sidoo kale ku saabsanaa faragelinta dhinacyada caafimaadka, taageerista dowladaha kowntiyada iyo saadaalinta dhanka caafimaadka mustaqbal ee bulshada iyo soo dejinta dawooyinka.

Natiijada kadib, waxaa golaha maamulka Isiolo oo heysta ansixinta baarlamaanka kowntigaasi ay soo saareen nidaam horumarin caafimaad oo loogu talo galay in lagu hago caafimaadka kowntiga.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here