John Kipchumba, gudoomiyaha baabuureyda oo ka cabanaya nidaamka cusub ee soo dejinta baabuurta.

Saameyn ayaa ay dareemeen dadka soo dejiya baabuurta (second hand)-ka ee la soo isticmaalay.

Arrintan ayaa timid kadib markii ay dowladdu go’aan adag ka qaadatay sharciga gawaaridaasi dalka la soo gelinayo.

Dowladda dalkuna waxa ay sheegtay in ay go’aankaasi uu yahay mid adag oo aysan waxba ka bedeli doonin. Wasiirka ganacsiga iyo wershadaha dalka Peter Munya ayaa Khamiistii sheegtay in dowladdu aysan dib ugu laaban doonin siyaasadda ku saabsan hindise sharciyeedka ku aadan dhanka baabuurta laga soo dejiyo dalkani Kenya, sharcigani oo ay sida ay sheegeen ganacsatadu khal khal aysan fileynin ay kala kulmeen.

Wasiirka ganacsiga Peter Munya ayaa sheegay in wadatashiyo badan la sameeyay isla markaasina la isku afgartay in dalka in laga gudbo baabuurta 8 sano jirka ah ee dalka la soo gelinayo, loona gudbo in la keeno oo keliya gawaari 5 sano la soo isticmaalay.

Arrinta ay isku heystaan ganacsatada iyo wasaaradda wershadaha ayaa ah in gawaarida yar yar ee dalka la keenayo ay noqdaan kuwo tayadoodu wanaagsan tahay, wasaaradda wershadaha ayaana dooneysa in dadka laga doonayo in ay ka ganacsadaan gawaari caafimaad qabta oo ugu yaraan da’doodu tahay 5 jir, waxaana la mamnuucay in ay dalka soo galaan gawaarida duqowday ama xilli dheer dibadaha lagu soo isticmaalayey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here