Ian-Harriel Kowiti, waa siyaasi madax banaan kana soo jeeda kowntiga Migori

Xubin hore oo ka tirsanaan siyaasiyiintii u soo tartamay jagooyinka kowntiyada dalka ayaa haatan soo saaray war cusub oo sheegaya in ay beec u tahay hal xaniin.

Waxa uu sheegay in uu gadayo 500,000 oo shillinka dalka ah.

Ian-Harriel Kowiti oo ka soo jeeda degaanka Uriri ee kowntiga Migori ayaa sheegay in uu ka daalay faqri iyo shaxaad isla markaasina uu haatan beecinayo mid ka mid ah xaniinyahiisa raganimo.

Kowiti, oo siyaasadda Kenya ka soo muuqday doorashooyinkii guud ee ugu dambeeyay ayaa xilligaas ahaa musharax madax-banaan.

Waxa uu sidoo kale sheegayaa in uu iibin doono mid ka mid ah kelyihiisa oo uu beecinayo in qiime dhan 1.5 milyan oo uu ka iibinayo shacabka dalka halka qiimaha laga iibinayo qofka qurbaha jooga uu qiimuhu noqon doono 3 jibaar qiimaha kor ku xusan.

“Maxay ii tarayaan labada xaniinyood ee lugaheyga ka soo dhex laalaada, haddiiba ay howsha ii qaban karto hal xaniin, waa inaan ka iibiyaa dadka u baahan? ayaa uu ku jawaabay xilli uu wareysi siinayey majaladda “The Nairobian, oo wareysi la yeelatay.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here