Saud ibn Ibrahim ibn Muhammad al-Shuraim ayaa ku dhashay  magaalada Riyaad ee caasimada dalka sacuudiga bishii Januaray ee sanadkii 1966kii, waxa uuna ka soo jeeda qabiilka Banu Zayd ee dega dalka Sacuudi carabiya.

Sheekhu waxa uu ka mid yahay Imaamyada masaajidka barakaysan ee xaramka waana shaqsiga labaad ee loogu dhegaysiga badan yahay cajaladahiisa dhanka quraanka kariimka ah.

Shuraim ayaa sidoo kale  qoray bugaag badan oo ay ka mid yihiin buugaag ka hadlaya arimaha Aqiiidada waxa uuna sidoo kale qoray gabayo carbeed oo caanka ah dalalka carabta.

Al-Shuraim ayaa yaraantiisi ka mid ah dugsiga hoose  ee Ibn Baz waxana uuna dugsigiisi sare ku qaatay iskuulka Yarmouk North high school isagoona ka qalin jabiyay sanadku markuu ahaa 1983.

Sheekha ayaa sidoo kale shahaada mastarka ka qaatay machadka “Ma’had Al-‘aali Lilqadhah sanadku markuu ahaa 1992 isagoo sanadii 1995 ka qaatay shahadada PHDIga ee culuumta shareecada islaamka kana qaatay jaamaca Umul quraa ee ku taala magaalada Makah.

Sheekh-Shuraim ayaa looga bartay in uu tujiyo salaada taraawida ee bisha barakaysan ee ramadaanka tan laga soo bilaabo sanadii 1991dii.

Balse waxa markii ugu horaysay loo doortay imaamka masaajidka barakaysan ee xaramka sanadku markuu ahaa 1991 iyadoo lagu magacaabay amar ka soo baxay boqorkii sacuudiga Boqor Fahad, iyadoo sidoo kale sanadii 1992 loo doortay garsooraha maxkamada shareecada ee magaalada barakaysan ee Makah.

Bishii April ee sanadkii tagay ee 20118 ayaa la xiray bartiisa twitterka uu ku leeyahay kadib markuu uu soo galiyay qoraalo uu ku dhaleecaynayo boqortooyada sacuudiga oo uu sheegay in ay ku tumatay shareecada islaamka.

Sheekhu ma aha dadka jecel inbadanaa uu la hadlo saxaafada balse waraysi uu siyay mid ka mid ah jaraaidyada ka soo baxa dalka sacuudiga waxa uu ku sheegay in xaaskiisa ay ka dambayso guushiisa.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here