Madaxweyne Kenyatta ayaa amar siiyey hey’adaha qaranka

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa amar ku bixiyey in la sameeyo hal meel oo noqota meesha lagu uruuriyo canshuurta dalka.

Madaxweynaha dalka ayaa soo gocday in dowladda dalka iyo dowladaha kowntiyada ay haatan ku tiirsan yihiin 11 meelood oo siyaabo kala duwan canshuurta dalka u uruuriya.

Waxa uu madaxweynuhu sheegay in tani aarintani ay u keenayso habka canshuur aruurinta in uu noqdo mid ahl bacaad lagu lisay ka dhigaya dadaalkii canshuur uruurinta.

Waxa uu ku amray guddiga qoondeynta canshuuraadka, guddiga gaavanarrada dalka, wasaaradda maaliyadda iyo Hogaanka canshuuraadka ee KRA in ay soo dhisaan hoox hal hogaan ka kooban oo nidaamka canshuurta dalka hogaanka u qabata.

Madaxweynaha ayaa yiri: “Canshuur qaadistaani qalabqeybsanaanta ah waxa ay xadideysaa qadarta lacagaha la soo aruuriyey ee ay keeneen dowladda dhexe iyo tan gobollada dalka.”

Mr Kenyatta, oo maalinimadii Khamiista ka hadlayey xarunta KICC ayaa sheegay in nidaamka halka meel canshuurta dalka ay ku soo xarooneyso in uu yahay habka ugu horumarsan ee canshuurta qaranka lagu maareyn karo.

Waxaana uu ku adkeystay in hal meel haddii lagu xisaabtamo ay keenayso horumar balaaran.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here