Ilaalada Kacaanka Iiraan ayaa maalinimadii Khamiista ee shalay daaha ka rogay gantaal cusub oo nooca Baalistigga ah kaasi oo wax ka toogan ka ilaa masaafo dhan kun kiiloometir.

Sida ay ku soo warameyso wakaaladda wararka ee Sepah News, tillaabadan ayaa ah tii ugu dambeysay ee Iiraan ay muujiso xilli wadanku uu u dabaaldegayo sanadguuradii 40-aad ee kacaanka Islaamiga ah ee wadankaasi Iiraan.

Waxaa sidoo kale la sheegay in arrintan lagu soo beegay iyadoo xiisad weyni ka dhaxeyso Mareyaknka iyo Iiraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here