David Maraga, Garsooraha guud ee dalka

Garsooraha guud ee dalka David Maraga ayaa sheegay in ay xoogga saari doonaan in ay kaamerada qarsoon CCTV ku xiri doonaan xafiisyada ay quseyso si loo xaqiijiyo in dadka la gaarsiiyo cadaaladda.

Isaga oo hadlayey xilli uu socday shirka Guddiga Qaran ee maamulka Cadaaladda ayaa David Maraga waxa uu sidoo kale taageero weydiistay waaxda garsoorka in ay wadahadal ka yeeshaan sidii mid kiisaska maxkamadda yaal loo soo gunaanadi lahaa si booska loogu baneeyo kiisaska cusub.

“Waxaan u baahi qabnaa dood yeelasho furan iyo go’aanno daacad ah iyadoo aan meesha laga saareynin cadaaladda dhanka ganacsigay iyo cadaaladda dhanka dembiyada iyo kuwa la xiriia musuq maasuqa,” ayaa uu sheegay Garsoore Maraga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here