Muhammadu Buhari, madaxweynaha Nayjeeriya

Mas’uuliyiin sare oo ku dhow dhow aqalka madaxtooyada Nigeria ayaa soo weriyey in digniin loo jeediyey dadyowga ka soo jeeda wadammada kale ee farogelinta ku haya doorashooyinka wadanka Nigeria.

Dowladda ayaa uga digtay in saraakiisha wadammada shisheeye ee isku daya in ay faro geliyaan doorashooyinka Nigeria in wadammadoodii loo celin doono iyaga oo ku jira boorsooyinka meydadka lagu qaado.

Nasir El-Rufai oo ah maamulaha gobolka Kaduna ayaa si toos ah u sameeyay soo jeedintan waxaana uu hadalkan ka jeediyey telefishinka dowladda xilli uu ka hadlayey farogelinta shisheeyaha ay ku hayaan doorashooyinka wadankaasi.

Arrimahan ayaa soo baxay kadib markii wadammada dibadda ay farogelin toos ah ku sameeyeen xil ka qaadis uu madaxweynaha dalkaasi Nayjeeriya ku sameeyay garsoorihii ugu sareeyay dalkaasi.

“Waan sugeynaa qofka inoo imaan doona ee farogelinta inagu sameyn doona.

Waxaana u sheegaynaa in uu wadankiisii ku noqon doono isaga oo ku jira naxash ama boorshada meydadka, annaga qofna inooma sheegayo sida aan dalkeenna u maamulaneyno,” sidaasi waxa sheegay maamulaha gobolka Kaduna Mr. El-Rufai.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here