Gabar dhallinyar oo ka tirsan jaamacadda JKUAT ee Nairobi ayaa tooreey lagu weeraray waxaana arrinkani ka gadooday ardeyda jaamacaddaasi JKAU.

Ardeyda ayaa haatan banaanbax cabasho ah ka dhigaya hareeraha jaamacadaasi.

Banaanbaxyaada ayaa looga cabanayaa tooreeyda lagu dhuftay gabar jaamacadda bilowday sanadkeedii koowaad.

Tabitha Muthoni, ayaa sida la sheegay tooreey si xun loo gel geliyey habeenimadii Khamiista.

Waxa ay la socotay saaxiibadeed meel u dhow hoteelka Segal Hotel kolkaas oo nimadn tuugo ah ay halkaasi ku weerareen iyaga oo ku amray in ay taleefanadooda soo dhiibaan.

Ururka ardeyda ee jaamacadda ayaa gadoodka sameeyay waxaana ay banaanbaxyada ka dhigeen degmada Juja iyo agagaarkeeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here