Dacwad Soo Oogaha Kenya ayaa sheegay in uu diiradda saarayo ilaa 5 banki iyo saraakiishii ku lug laheyd bixinta 8 bilyan oo la sheegay in laga qaatay hey’adda dhallinyarada dalka ee NYS.

Mr Noordin Haji ayaa maanta oo Khamiis ah sheegay in uu magacaabay koox garyaqaanno ah kuwaasi oo dib u naqtiimin doona dembiyada ay galeen eedeysaneyaasha.

Nuurdiin ayaa magacaabistan sameeyay xilli uu ku sugnaa xarunta DCI.

Waxa uu sheegay in uu si xor ah baaritaanno ugu sameyn doono 5-ta banki ee kala ah bankiga KCB, bankiga Standard Chartered, bankiga Equity Bank, iyo bankiga Diamond Trust iyo bankiga Cooperative Bank of Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here