Amb. Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Wadamadda xubnaha ka ah Ururka Midowga Africa ayaa maanta ku sii qul qulaya magaaladda Addis Ababa ee Caasimadda Ethiopia.

Shir madaxeedkani wasiirada ayaa furmi doona maalinta Axadda ah ee soo socota.

Shirka wasiiradda waxaa looga hadli doonaa arrimaha ay madaxda faaqidi doonaan, waxaana si gaar ah xoogga loo saari doonaa xaaladaha Liibiya, Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo.

Waxaa la filayaa in la soo hadal qaado Xaaladda amni ee Soomaaliya iyo doorka ciidanka Midowga Africa ay uga jiraan xalinta dalka.

Sidoo kale waxaa shirka Wasiiradda Africa la iskula soo qaadi doonaa arrinta ku saabsan ciidanka ka socda Dalka Burundi ee 1000 ka Askari ah ee la qorsheeyay in dabayaaqadda bishaan ay dalka Soomaaliya ka baxaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here