Waaxda isgaarsiinta Uganda ayaa amar ku bixisay in irdaha la isugu dhufto website-ka ugu weyn wadanka Uganda.

Website-kaasi waxaa leh wargeyska ugu codka dheer dalkaasi ee Daily Monitor.

In Warqad la gaarsiiyey xafiiska wargeyska Daily Monitor ayaa lagu sheegay in wargeyska uu ku guuldareystay in uu isku diiwaangeliyo waqtigii loo qabtay.

Madaxa sare ee guddiga isgaarsiinta dalka Uganda Godfrey Mutabazi, ayaa sheegay in hey’adda maamusha wargeyska ‘The Daily Monitor’ ee lagu magacaabo Monitor Publications Limited, ay hawada u gelisay website-kaasi si sharci darro ah.

Afhayeenka guddiga isgaarsiinta Uganda Ibrahim Bbossa ayaa sheegay in dacwadda is diiwaangelinta ay soo ifbaxday waqti lagu guda jirey cabasho ay soo gudbisay afhayeennadda baarlamaanka dalkaasi Rebecca Kadaga taasi oo ka cabaneysay qodob wargeyskaasi lagu qoray.

Qodobka dooda dhaliyey ee lagu qoray website-ka ‘The Daily Monitor’ ayaa ahaa mid soo werinayey dacwad bishii tagtay uu maxkamadda geeyay nin sixiroole ah oo sheegayay in afhayeennada baarlamaanka Uganda Rebeca Kadaga ay ninkaasi qiyaantay.

Ninka ayaa sheegayay in afhayeenka ay 30 sano ka hor ka codsatay sixirowga in uu howlo u qabto si ay u gaarto derajada ay maanta joogto ee dhanka siyaasadda dalka Uganda, Isla markaasina markii Rebecca ay gaartay darajadii siyaasadeed aysan dib u soo fiirinin ninkaasi howlaha u qabtay.

Si kastaba ha ahaatee, qoraalka uu Daily Monitor ka diyaariyey afhayeenadda baarlamaanka dalka Uganda ayaa noqday mid si weyn loo hadal hayey, taasi oo u gogol xaartay in la fariisiyo website-kii sheekadan qoray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here