Antonio Guitterres, Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey

Antobio Guttares oo ah xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa ku soo wajahan caasimadda wadanka Itoobiya ee Adis Ababa.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey ayaa sheegay in uu soo magacaabi doono ergay kale oo UN-ka u qaabilsanaan doona Soomaaliya.

Guiterres ayaa dhowaan u diray magaalada Muqdisho ku xigeenkiisa arrimaha siyaasadda, isagoo caddeeyay in wadahadal miro dhal ah ay la yeelatay madaxda dowladda Somalia oo qaab cusub ay ku heshiiyeen.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey ayaa magaalada New York ugu waramayey saxafiyiinta isaga oo si gaar ah uga hadlay xaaladda Soomaaliya.

Antonio Guterres ayaa carabka ku adkeeyay in Soomaaliya ay ku tilaabsatay xallinta arrimo badan oo ay ka mid yihiin dhanka dhaqaalaha, sugidda amniga iyo siyaasadda.

Waxa uu balanqaaday in Qaramada Midoobey ay kaalmo siin doonto ciidammada AMISOM si loogu guuleysto la ciribtirka argagixisada.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here