Hogaamiyaha Koonfurta Suudaan Riek Machar ayaa la shaaciyey in uu qorsheynayo in uu ku laabto caasimadda Juba.

Ergayga Qaramada Midoobey u fadhiya Koonfurta Suudaan, David Shearer ayaa sheegay nidaamka awood-qeybsiga uu haatan u muuqdo mid la isku halleyn karo.

Shearer ayaa sheegay in ay tani tahay fursad weyn oo dalkaasi la filayo in uu dhanka nabadda u jiheysto.

Asbuucii tegay ayaa David Shearer iyo Riek Machar waxa ay qaateen kulan kaasi oo ay uga wada hadleen heshiiskii ay dhexaadinaysay Suudaanta Waqooyi heshiiskaasi oo dhacay bishii September ee sanadii tagtay.

Riek Machar ayaa la sheegayaa in uu si toos ah ula wareegi doono jagadiisa madaxweyne ku xigeen sida uu qabo heshiiska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here