Madaxweynaha Mareykanka ayaa uga digay Shiinaha in ay yihiin kuwo markasta qaata shaqooyinka loogu talo galay inay shacabka Mareykanku ka shaqeystaan.

Madxweyne Donald Trump ayaa qudbadiisii Xaaladda Qaranka ama State of the Union ku muujiyey sida Mareykanka ay dhab uga tahay in uu si daran ula tacaalo danaha dhaqaale ee Shiinuhu doonayo in uu la wareego.

“Waxaanu dooneynaa hadda in aynu u kala cadeyno Shiinaha in sanado kadib oo ay dhaqaalaheenna diiradda saarayeen, xadayeen farsamadeenna teknolojiyada, isla markaasina dhacayaan shaqooyinka Mareykanka iyo dhaqaalaha, waxaa haatan la soo gaaray waqtigii arrintaasi la soo afjari lahaa.” sidaasi waxaa qudbadiisa ku sheegay Trump.

Si kastaba, labadani quwadood ayaa waxaa u harsan oo keliya 24 maalmood oo la doonayoin ay ku soo afmeeraan isqab-qabsigooda oo muddooyinkan cirka isku shareeray, dhaqaaleyahannada ayaa sheegaya in dagaalka labada dal ka dhexeeya ee dhinaca dhaqaalaha uu noqday mid shoog ku dhaliyey dunida oo dhan.

Asbuucii hore ayey aheyd markii saraakiil sar sare oo labada wadan ahi ay shir ku yeesheen caasimadda Washington, halkaasi oo ay ka shaaciyeen in labada dhinac ay guulo ka gaareen wadahadallada dhaqaalaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here