Laamaha amniga wadanka Hindiya ayaa qabtay qaad kontrobaan ah oo la sii gelinayey wadankaasi.

3 Qof oo labo ruux oo ka mid ah ay yihiin Soomaali ayaa la sheegay in ay jawaano qaad ah sii gelinayeen gudaha Hindiya, hase yeeshee waxaa arrintani ka jawaabay booliska wadankaasi.

Sida la sheegay qaadka ayaa laga dhoofiyey wadanka Itoobiya.

Booliska waxa ay ku sheegeen warbixin Kooban oo ay soo saareen in Cabirka Qaadka ay sideen lagu qiyaasay 600 KG, waxaana ay sheegeen in raggaan sanadyadii ugu dambeeyay ay ku sugnaayeen dalka India.

Dalka India ayaa waxaa laga mamnuucay in qaad lasoo galiyo sanadku markuu ahaa 1985, waxaana uu ka mid ah Waxyaabaha loo aqoonsaday Sharcidaro hadii dalka India lasoo galiyo.

Badankeed Soomaali iyo jinsiyado kale oo badan ayaa wadankaasi Hindiya si qarsoodi ahu geliya qaadka ama caleenta jaadka, dahabka iyo badeecooyin kale oo badan kuwaasi oo badankood lagu qabto, waxaana ay ku muteystaan xarig iyo jirdil.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here