Saraakiisha wadanka Burkina Faso waxa ay ku warbinayaan in ay dileen tiro kamid ah maleeshiyaadka xag jirka ah ee ka dagaalama wadankaasi.

Milleteriga ayaa tilmaamay in ay ka falcelinayeen weerar dhowaan soo qaadeen maleeshiyaadka ka howlgala Waqooyiga dalkaasi.

Militariga waxay shaaciyey in dableyda ay habeenkii Axadda aheyd ay weerar ku qaadeen tuulada Kain ee ku taalla gobolka Yatenga.

Sida laga soo xigtay militariga, waxay sheegeen in duulaankii ugu weynaa ay ka fuliyeen saddex gobol oo dhaca waqooyiga dalka Burkina Faso.

Ciidammada milleteriga dalkaasi ayaa sidoo kale sheegay in ay dileen 146 kamid ah dagaalyahanada ka howlgala Burkina Faso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here