Kyle McCarter oo noqon doona danjiraha Mareykanka u fadhin doona Kenya kadib markii uu shaqada ka tegay Robert Godec.

Maamulka Donald Trump ayaa ahmiyadiisa ugu weyn ee uu Kenya siinayo wax ay noqon kartaa in la taageero dagaalka ka dhanka ah musuqmaasuqa iyo dagaalka lagula jiro kooxaha xagjirka ah.

Waxa sidoo kale ahmiyadda la siin doono Kenya ka mid noqoneysa sidii loo dar dargelin lahaa midnimada shacabka Kenyaanka iyada oo la fulinayo mashaariicda horumarinta dalka diiradana la saarayo is-deberka, horumarinta dhinacyada nolosha, sidaasi waxaa sheegay safiirka cusub ee soo fariisan doona safaaradda Mareykanka.

Isaga oo shacab kenyaan ah kula hadlayey St. Louis, Missouri ayaa safiirka Mareykanka u fadhin doona Kenya Kyle McCarter waxa uu sheegay in waajibaadkiisa gudaha wadanka Kenya uu yahay sidii loo taageeri lahaa mashaariicda kaalmada iyo barnaamijyo ku saabsan sidii loo garab istaagi lahaa loona xoojin lahaa maciishadda Kenyaanka.

“America waa wadan deeqsi ah, mar waliba waxaa wanaagsan in aad waxa aad tebaysid aad ina weydiiso, waxa aan anigu sameynayo wey sii soconayaan xitaa haddii aan anigu berito aanan soo noqonin. Waxaa intaa noo dheer in aynu aad u qiimeyno dadka Kenyaanka ah, waa aynu maalgashan doonnaa, bah wadaag ayeynu la nahay waana aynu gacan qabaneynaa si ay iyagu mustaqbalka u noqdaan kuwo howshooda u qabsada oo aan cidna ku tiirsaneyn,” ayaa uu yiri danjire Kyle McCarter.

Ambassador McCarter ayaa intii uu munaasabada joogey ku hadlay luuqada Swaxiliga isaga oo muujiyey khibradda uu u leeyahay Kenya iyo shacabkeeda. Waxa uu sheegay safiirku in Kenya ay tahay tan calanka u sida dimuqraadiyadda qaarada Afrika oo dhan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here